Ra’iisalwasarihii Soomaliya ee Baxsiga ahaa oo La Helay

Cabdixaashi

Weydiimo iyo su’aalo ayaa ka dhashay shaqo ka maqnaashiyaha Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo markii ugu dambeysay fagaare shaqo lagu arkay dhowr toddobaad kahor.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, oo booqday Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa kulamo uu la qaatay waxa uu la wadaagay warbixinno kala duwan oo ku saabsan arrimaha amniga iyo dib-u-xoreynta, Arrimaha Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee aan dunida la leenahay.

Waxaana uu Ra’iisul Wasaaruhu warbixin gaar ah ka siiyay Guddoomiyeyaasha labada Aqal dadaalka ay Dowladdu galisay difaaca madax-bannaanida iyo Midnimada dhuleed ee Qarankeenna oo ay Itoobiya si gurracan u damacday in ay ugu xad-gudubto Dalkeena, waxaana arrintaas Dowladdu ka soo hoysay guulo diblomaasiyadeed oo wax ku ool ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa mudo ka badan labo asbuuc aan soo xaadirin Xafiisliisa lama sheegin meel uu u safray, wararka laga helayo xafiisliisa ayaa sheegay inuu Safat qarsoodi ah ku tagay dalka Turkiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.