Farmaajo oo Ka hadlay is hortaaggii Lagu Smaeeyey hadaljeedintii Madaxweyne Shariif

Farmaajo

Madaxwaynihii Hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Sidii Foosha Xumayd ee Warbaahinta qaranka ula Dhaqantay Khudbadii Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

War qoraala oo Farmaajo kaga hadlaayo dhacdadaan ayaa sidaan u qornayd.

“Codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadaljeedintii Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tallaabooyinka dib u eegista Dastuurka ee haatan socda oo aan awalba ahayn mid loo dhan yahay, dood bandanna ka taagan tahay habraacii lagu ansixiyey, waqti ka khataro badan intii hore lagu jiro, haddana in xildhibaannadii ka aragti dhiiban lahaa la carqaladeeyo waxay muujinaysaa qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dalkeennu maanta waxa uu wajahayaa halis la xiriirta jiritaankeenna iyo qarannimadeenna, taas oo lagu wajihi karo midnimo iyo wadajir, sidaas awgeed waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu ka soo noqda wadiiqadan khaldan, ilaaliyana dhaxalka dowladnimada ee heshiiska lagu yahay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.