Axmed Madoobe oo Gedo ka Hor istaagay in la geeyo Ambulance Sacuudigu ku deeqay

Axmedmadoobe

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa 7 Febaraayo 2024 labo Gaari oo nooca gargaarka deg degga ah isla markaana loogu talagaley fududeynta adeegyada Caafimaadka ku wareejiyey Wasiirka Caafimaadka Dowlad goboleed Jubbaland.

Baabuurtaan gargaarka Degdega ah ayaa waxaa ugu deeqay Dowlada Soomaaliya boqortooyada Sacuudiga Carabiya.

Madaxwaynaha Juubaland ayaa diiday in mid ama labo kamid ah ambulasta la geeyo Gobolka Gedo oo baahi wayn loo qabo.

Axmed madoobe ayaa deeqaha loo talagay jubbaland aan soo gaarsiin gobolka Gedo, mana jiraan xildhibaano ama masuuloyiin cambaareeyey ficilka Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.