Laftagareen oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Sarkaal Sare oo Lagu Dilay Muqdisho

Aadanbiit

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gaashanle Dhexe Aadan Cumar Axmed oo ku lagu dilay magaalada Muqdisho

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ahmed (Aadan Biit) waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer, waxa uu door muuqda ku lahaa dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimadeenna oo xilal muhiim ah uu ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu kamid ahaa, Ehelka,Qaraabada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaan ugu Tacsiyaynayaa Gerida ku timid Alle Haunaxaristee Marxuum Aadan Biit.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.