Daawo:Kenya Oo Soomaliya ku Qancisay inay Tageeraan Raila Odinga

FOWSIYA

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo Tageerida Musharaxa Raila Odinga

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan, halka uu Kenya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista, kaas oo kor loogu qaadayo xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Dhanka Kale Soomaaliya ayaa lagu qanciyey inay Taageerto Musharax Raila Odinga oo u sharaxan Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission).

Jagadaan waxaa Soomaaliya ugu Sharaxnaa Xildhibaannad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Dowlada Soomaaliya ayaa sidaan kale waxay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo u sharaxanahay Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka uga hiiliyeen musharaxii Tanzania ku matalaayey Jagadaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.