Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qayb galay xafladda qalin jabinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Galmudug, taasoo ka dhacday magaalada Cabdudwaaq.
Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray guud ahaan bahda Jaamacadda Ummadda iyo ardayda qalin jabisay oo gaareysa 148 arday, isagoo ballan qaaday iney fursado wanaagsan heli doonaan ardayda ugu sarreysa inta maanta qalin jabisay.
Leave a Reply