Akhriso :-War-murtiyeedka ka soo baxay shirka golaha wadatashiga qaran

xasansheekh

Shirka golaha wadatashiga qaran oo soo gabagaboobay ayaa waxaa ka soo baxay warmurtiyeed u dhigan sida tan.


Hordhac
Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) o u guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya D.t Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay Magaalada Mugdisho 14-17 May 2024. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duga Mugdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

GWQ ayaa kulankooda ku dhagaystay warbixino faahfaahsan oo taabanaya dhinacyo badan oo xaalada dalka ah. Sidoo kale GWQ wuxu a hadley ajandeyaal masiri ah oo ay ka mid yihin la-dagaallanka argagixisada,qorshayaasha garka ah ee dhinaca aminga,dhameystirka Dastuurka KMG,geedi-socodka dimuqraadiyada saameynta roobabka iyo qodobo kale.

2. Warbixinno:
• GWQ wuxu warbixin ballaaran ka dhagaystay Hoggaamiyaha ku-meelgaarka ah SSC- Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, hoggaamiyaha 0o golaha uga warbixiyay xaaladaha amni iyo bulsho ee SSC-Khatumo.

GWQ wuxuu Xafiska Aminga Qaranka ka dhagaystay warbixin qoto-dheer oo ku saabsan guushii laga gaaray cunagabtayntii mudada 32 Sano ah saarnayd dalka,sidoo kale Xafiiska Aminga Qaranka wuxu goloha uga warbixiyay masuuliyada maaraynta hubka, khataraha garka ah ee u waajahayo iyo qorshaha dowladda ay u dajisay kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

GWQ wuxu Taliska Ciidanka Xoogga dalka ka dhagaysatay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorshaha dalka looga sifaynayo Khawaarijta.

GWQ wuxu warbixin ku saabsan barnamijka xasiliinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada ka dhageystay Xukuumadda.

3. Bogaadin:
• GWQ waaa uu boggaadiyay guulaha ay ciidanka qalabka sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed ka gaareen ciribtirka kooxaha argagixisada ee khawaarijta.

GWQ wuxuu Xukuumadda Federaalka ku boggaadiyay guulaha ay ka gaareen arrimaha dayn cafinta, dhaqaalaha,ka mid nogoshada Urur-goboleedka Bariga Afrika iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Goluhu wuxuu boggaadiyay ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee afarta cutub ee Dastuurka KMG.

GWQ wuxu sidoo kale dawladda ku boggaadiyay dadaalka ay ug jirto ka mid noqoshada Goloha Amaanka ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.
4. Go’aamada shirka ka soo baxay:-

GWQ wuxu si qoto-dheer u falanqeeyay Xaaladda aminga,siyaasdda, iyo xaaladda bini aadnimo ee dalku marayo. Sidoo kale GWQ isaga o tixraacaya heshiisyadi iyo war-murtiyeedyadi shirarkoodii hore,waxay ku heshiiyeen qodobada soo socda:-

4.1.Sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada
GWQ wuxu markale isku raacay in aminigu u udub dhaxaad u yahay qorshayaasha dawlad dhiska iyo horumarinta dalka.
Golohu wuuu ku heshiiyay in si wad-jir ah looga wada qayb-qaato la dagaalanka Khawaarjita,islamarkaana la laba jibaaro gulufka lagu afjarayo nabadiidka.

Golohu wuxu taageeray dadaallada ay Xukuumadda Federaalka ku dardargelinayso qorshaha kala guurka ee ciidamada qalabka-sida iyo talaabooyinka ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka kadib bixitaanka ciidanka ATMIS.

4.2. Dhameynstirka dib-u-eegista dastuurka iyo xoojinta dimuqraadiyeynta goluhu wuxu isku raacay in la dardargeliyo lana dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay.

Goluhu wuxu ku dhiri-galiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay dardargeliyaan ansixinta cutubyada harsan ee Dastuurka iyadoo la tixgalinayo heshiisyadi GWQ ee kaabayay dhameystirka Dastuurka.

GWQ wuxuu Xukuumadda Federaalka iyo hay’adaha sharci dajinta ku dhiri-galinayaa dardargalinta sharciyada,xeerarka iyo hay’adaha ka ratibmaya ansixinta afarta cutub ee dastuurka si dalka ay uga taaba gasho doorasho hal qof iyo hal cod ah.

4.3. Arrimaha bani’aadamnimada GWQ wuxuu qimeeyay saameynta ay shacabka Soomaaliyeed ku yeesheen roobabka xooggan ee ka da’ay qaybo ka mid ah dalka.

GWQ wuxu hay’adaha gargaarka ee heerarka dawladda farayaa dardargelinta gurmadka dadka ay waxyeeladu soo gaartay wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay isku gurmadaan.

GWQ wuxuu hay’adaha calamiga ah ugu baaqayaa iyo kuwa maxaliga ahba in ay gacan siyaan dadka ku tabaaloobay fatahaadaha xad dhaafka ee saameeyay qayb ka mida dalka.

Sidoo kale GWQ wuxu xukuumadda iyo hay’adaha calamiga ah ku dhiiri galinayaa inay si wada jira uga shaqeeyaan ka hortaga iyo maaraynta saamaynta isbedelka cimilada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.