Xasan Sheekh oo Mar Kale U dhoofay Kenya iyo Ujeedka Safarkiisa

xasanshekkh

Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay shir uu ka qeyb galayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu qabanayo Dalka Kenya.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka sanadlaha ah ee bangiga Horumarinta Afrika uga qeybgalaya magaalada Nairobi Kenya.

Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ayaa waxaa sanadkaan diirada lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka Maaliyadeed ee Afrika.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb geli doona madaxweynayaasha dalalka Africa qaar badan oo ka mid ah iyo Madaxda Banka horumarinta Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.