Sawiro:Kulan Dhexmaray James Swan iyo Ra’iisalwasaare Xamse

james

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo ay kawada hadleen xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey hay’adda Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin in si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bini’aadamtinimada, horumarinta bulshada iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Ergayga ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey,isagoo sheegay in Qaramada Midoobay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha Xukuumadda DanQaran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.