Ra’iisul Wasaare Xamse oo u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya

Xamze

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u dhoofay dalka Koonfurta Kuuriya, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Seoul oo ay uga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, oo qabsoomaya 4 – 5 Juun.

Shirkaa ayaa looga hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeyo dalalka qaarada Afrika iyo jamhuuriyadda kuuriya,waxana ka qeyb gali doono shirka madax ka socoto waddamada Afrika iyo Bangiga Hormarinta Afrika.

Waxaa sidoo kale lagu eegi doonaa sidii iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Ganacsiga,Hormarinta kabayaasha dhaqaalaha dalalka qaarada Afrika,isbadalka cimilada ay ku yeelatay qaarada Afrika iyo arima kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.