Daawo:Xildhibaan Fowsiya oo eedeyn kala dul Dhacday Xasan Sheekh iyo Xamze

FOWSIYA

Xildhibaan Fowsiyo Yusuf Xaji oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in aanay ka tanaasuleyn kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ay u sharaxan tahay, kaddib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay cadaadis ku saareen inay ka harto tartanka kursiga oo loo tanaasulo dalka Jabuuti.

Fowsiyo Yusuf ayaa shirkeeda jaraa’id ugu magac dartay Garnaqsi, waxaana ay ka warbixisay heerarka ay u soo martay Musharaxnimada kursigan illaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda ay ku taageereen.

Waa markii labaad oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku qasabto haween kursi u tartameysa inay ka harto, iyadoo Xildhibaan Marwo bashiir oo u tartameysay kursiga Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ay ku guuldareystay booskaas, kaddib markii dowladda ay qortay warqad ay ku sheegeysay in aan Musharax u aheyn kursigaas, waxaana xilligaas ay dowladdu ku sababeysay in Soomaaliya ay doonayso kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, sidaasna ay Tanzania ugu badalatay inaan loo tartamin kurisga Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.