Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulammo kula qaatay Hoggaanka Wasaaradda iyo Ciidanka Xoogga.
Saraakiisha ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixinihii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhanka ah AS, gaar ahaan xoreynta deegaanno ka tirsan Jubbaland oo lagu guuleystay, waxayna soo bandhigeen sida ay uga go’an tahay Ciidamada Qalabka Sida in ay sii wadaan halganka dalka lagaga xoreynayo AS.
Leave a Reply