Akhriso:Ra’iisalwasaare Xamse oo Magacaabay 14 Safiir

xamze

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay iyo Magacaabista Safiiro Cusub.

Golaha ayaa ku dhawaaqay caawa in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa caawa ansixiyay magacaabista Danjireyaal dalkeena uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka.
Waxaana ay kala yihiin:

  1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir
  2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir
  3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir
  4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir
  5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir
  6. Faysal Axmed Salaad – Safiir
  7. Abiib Muuse Faarax – Safiir
  8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir
  9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir
  10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir
  11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir
  12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir
  13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud
  14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.