Kulankii Soomaaliya iyo Itoobiya Oo Fashil kusoo Dhamaaday iyo Mudo kale oo la balamay

Fiqi

Wada Xaajoodkii Itoobiya iyo Soomaaliya uga Socday Turkiga oo fashil kusoo dhamaaday kadib markii Itoobiya ku adkeysatay in bada Soomaaliya qayb wayn ka hesho, waxaana lagu balamay in dib layskugu Soo noqdo kulan kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo u waramey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in wareeggii labaad ee wadahadalka looga dooday arrimo badan, Soomaaliyana ay caddeysey mowqifkeeda ku aadan dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Wasiirku ku tilmaamey lama taabtaan.

Waxaa wareeg 3aad oo wadahadal ah loo balansan yahay bisha September, sida ay shaacisay Dowladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa u mahad celiyay Dowladda Turkiga sida mas’uuliyadda leh ee ay ugu istaagtey xal u helista xasaraddan ka dhalatey heshiiskii sharcidarrada ahaa ee Ethiopia la gashey mid ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.