Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay difaaca madax-bannaanida dalka ayaa sheegay arrinta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee maanta taagan inuu ka dhashay xad-gudub ay sameysay Itoobiya, ayna ka garaabi-weyday. “Jamhuuriyaddii 1960-kii dhalatay ayay Itoobiya daba jooga oo ay leedahay cad ayaan ka goosanaya taasna horray ayaan u diidnay, waligeedna dhicimeyso oo Soomaaliya oo intaan ka taag yar ayaa diiday in biyaha, badda iyo dhulkeedu Itoobiya qaadato. Maanta baddaan xoog ku gaarayaa waa riyo aan rumoobeyn”.
Leave a Reply