Sawiro:Xamse oo dhagax-dhigay Laanta bixinta Baasaboorada ee degmada Boondheere

Xamze

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax dhigay Laanta bixinta adeegga Baasaboorada oo laga hirgeliyey degmada Boondheere, taas oo wax weyn ka tari doonta bixinta adeegga ay hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya siiso dadwaynaha Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay howlwadeennada hey’adda in ay si hufan ugu adeeggaan bulshada, isaga oo intaas ku daray in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in shacabka loo dhaweeyo adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin.

Mudane Xamsa waxa uu xusay in hirgelinta xaruntani ay qeyb ka tahay dadaallada Xukuumaddu DanQaran ay ku doonayso in ay kor ugu qaaddo tayada iyo helitaanka adeegyada dadweynaha Soomaaliyeed ay uga baahan yihiin dowladooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.