Soomaalida Madheehii Baa Ka Dhacay?

calan

Inta Anan dulucda qormadaydaan aan guda gelin aan micneeyo erayga (DHEEH) oo laga Yaabo in dad badan garan waayaan.

Waxaa jira qalab badan oo birta laga sameeyo oo ay ka mid yihiin maacuunta Guryaha laga isticmaalo sida saxamada iyo koobabka birta waa daxaleysataa markaasna ma cimrido oo waa gogodaa haddii kuwa guryaha loo isticmaalo yihiina kuma sii jiraan oo caafimaad dadka bay Qatar ku tahay sidaas darteed waxaa la Saaraa dahaar aan daxaleysan (anti rusty).


Haddii dheehaas uu fuqo ama qaybi fuqdo shaygaas waa qayma gabaa oo waa tuuris waana sababta aan u soo qaatay in dadkayaga dheehii ka dhacay Markaan qaymeeyo Soomaalidii aan ku soo dhex kacaamay, ku soo dhex bartay kana soo dhex shaqeeyey. Bal fiiriya ninka madaxweynaha sheeganayey ee loo qaadaayey (HEESTII MALIHIN CADAW XAMAR KA WAYN) iyo dadkii Faraha badnaa ee u sacbinaayey, waxaa Tass ka sii daran kii isna madaxweynaha sheeganayey ee Garoowe ka yiri (Waxa meelaha laga sheegaayo (Itoobiya waa cadawgeen waa been aan waxba ka jirin ee Itoobiya waa daris aan walaalo nahay,) isna dad Soomaaliya baa horfadhiyey oo u sacab iyo mashxarad tumaayey.

Bal dhanka kale eega madaxweynaha Soomaaliya ee Xamar ka lahaa (Itoobiya hadday bad naga rabto iyo in aan la hadalno Horta ha na aqoonsato) ka dar oo dibi dhal. Ma iloow san yahay in uu xoroobay 1960kii? Ma garan la yahay in aan Itoobiya waligeed aqoosan dal Soomaaliya la yiraahdo oo xor ah miyuusan u ekayn in asaga laftiisu uu san xor ahayn oo hadda aqoonsi raadis yahay sida Muuse Biixi?.

Hadda u fiirsada dadka aad u qabtaan in ay Indho noo yihiin sida wasiiro iyo xildhibaano baa horfadhiyey oo sacbinaayey madaxana ruxaayey.

Reer ba’ayoow yaa ku leh? aan soo gunaanado haddii wax yar oo naf iyo nasabad ah nagu hartay kacdoon dadweyne oo dhalinyarada iyo culumada diintu Hormood u yihiin aan ka abaabulno 18ka gobol ee Soomaaliya, qabyaalada iyo calamada badana meel dhigano oo aan Diinta, dalka iyo dadkaba badbaadino ama yaanaan is daaline aan noqono qayb ka mid ah dawlad Kristaan ah iyo Itoobiyada weyn .

Wabillaahi towfiiq
Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.