Sawiro:Xamse oo kulan yeeshay sii hayaha Xafiiska QM James Swan

james

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha QM iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukuumadda Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.