Waa Arin Hambalyo Mudan Talaabada Soomaaliya Ka Qaadatay Diyaaradaha iyo Xawilaada!!!

Astaan

Dadka Soomaaliyeed iyo adduunweynaha waxay qabeen jahawareer ah in Geeska Afrika ka jiraan laba dawladood oo daris ah ama jaar ah.

Kooxda SNM lama yaabani oo waa tii horay loo yiri (NEEF GAWRACAN GEEDA KAMA WAANTO) Waa danbiilayaal inta mid ka nool yahay wax kasta oo ay cimridheri ka dhigan karaan waa sameynayaan sida gooni goosad, kala fogayn shacabka Soomaaliyeed, waa nala laayey oo da’yarta u Sheegaan.

Waa danbiilayaal qiyaana qaran galay, denbiyada ay galeena lama soo koobi karo bal aan dhawr ka soo qaadano.


1-Marka hore cadawga soo jireenka ah ee Itoobiya ayey heshiis kula galeen in ay siiyaan tababar, waxaa dhanka kale waxay fulinayeen damaca soo jireenka ah ee Itoobiya.

2-Waxay soo weerareen xeryihii ciidamada Ayada oo ay la socdaan ciidka Itoobiya.


3-Bal eega markii ay soo gaareen Boorame oo ah magaalo weyn oo Saran xuduuda waxay ku xasuuqeen 750 qof oo shacab.


4-Markii ciidamadii iska caabiyey ka itaal roonaadeen waxay ku dhex carareen xaafadaha iyo shacabka, Ayyaga oo dad ku xasuuqay guryahooda Ciidankiina daaqadaha ka soo tooganaaya,askariga iyo sarkaalka wata tababarkoodu waa qoriga soo dhacay aamusi,maxaad samayn lahayd hadad tahay sarkaalka ciidankaas xukumey? Dadkii dagaalkaas ku dhintay iyo kuwii barakacay yaa ka masuul ah?.


5-Dawladii markii ay meesha ka baxday Beesha Isaaq bay isku dhufteen oo reer Togdheer baa la weeraray dhawr kun oo qof baa dag aal kaas ku dhintay waxaana ka dhashay halkaas maahmaah caan baxday (Aniga oo wax Dili Kara duco qaadan maayee degta qorigu hay jaro) waxaa yiri Muuse Biixi oo ahaa hoggaamiyihii ciidanka SNM.


Isku soo wada duub ma sax bay ahayd in magaca Soomaalilaandhi dawlada Soomaaliya aqbasho oo warbaahinta qaranka laga sii daayo madaxweynaha, raysulwasaaraha,
Wasiirada iyo golayaasha shacabka laga yiraahdo walalaheen Soomaalilaandhi sow gaf qaranka laga galay maaha?.

Qof kasta, hayad kasta iyo dawlad kasta oo magacaas isticmaasha waa in ayan dawlada Soomaaliya la shaqayn Qatar a laga soo saaro magaca Soomaalilaandhi ha lagu bedelo Gobolada waqooyi.

Halna ogaada inta qof ka soo qaybqaatay ha laagii SNM iyo qiyaanadii qaran oo ay geysatay hoggaanka Goboladaas hayaan xalku ma dhawa,waayo way ogyihiin waxay hey geysteen kuwii ay hooyadood iyo aabbayaashood dileen baa weli nool haddii dawlada cafiso ayagaan Cafineyn sida ay ogyihiin in la horkeeni maxkamad.

Maxay adiga kula tahay?

W/Q Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.