Itoobiya oo Walaac Ka Muujisay Ciidamada Milatari ee Imaanaya Soomaaliya

abiyahmed

Waxaa sii kordhaya xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Itoobiya ayaa lagu eedeeyay Soomaaliya – waxaana lagu sheegay warka in Soomaaliya ay la heshiishay waxay itoobiya ugu yeedhay dhinacyo shisheeye oo isku dayaya in ay gobolka xasillooni darro ka abuuraan.

Ethiopia ayaa walaac xooggan ka muujisay howgalka cusub ee badelaya howlgalka Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS) kaas oo la filayo in dhawaan lasoo gabagabeeyo.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Ethiopia ayey ku sheegtay in amnigeeda Qaranka halis ku jiro, Talaabooyinka imaanshaha Milateriga Masar ee Soomaaliyana ay gobalka khatar u horseedi doonto sida ay hadalka u dhigtay.

Xukuumadda Addis ayaa sheegtay in aysan iska indho tiri doonin waxay ugu yeertay ficilada amnigeeda dhaawacaya ama taabanaya ee kasocda gobalka, waxayna ku dooday in hadalo cadowtinimo leh uga imaanayaan Soomaaliya, oo ay sheegtay in ay dhiiga u hurtay sida ay hadalka u dhigtay.

“Itoobiya waxay si hagar la’aan ah uga shaqeysay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka, si ay u koraan guud ahaan, waxayna kobcisay xiriir dhow oo ka dhexeeya shucuubta gobolka,Itoobiya ayaa sidoo kale ka qeybgashay fududeynta wadahadalo lagu xallinayo khilaafka kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, Horumar la taaban karo ayaa laga gaaray wada-hadaladaas.Halkii dadaaladaas nabadeed la fulin lahaa dowladda Soomaaliya waxay gacan saar la layeelatay kooxo dibadda ah oo ujeeddadoodu tahay inay khalkhal geliyaan gobolka”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.