Wasiir Khadiijo Al-makhzoumi oo Soo Dhaweysay Xariga Wiil Jaray Geed

Khadiijo

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa maanta soo saartay warmurtiyeed ku saabsan jarista dhirta, iyadoo raacisay digniin culus oo ku aadan ku xadgudubka Sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku bogaadisay Booliska soo qabashada eedeysane ku eedeysan ku xadgudubka deegaanka iyo nabad guurka, kuna kacay fal jaris geed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska dagmada Deyniile ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Cabdiqani Daahir Shire oo si bareer ah cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaala xaafada Gubta ee degmada Deyniile.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.