Jabuuti oo Shaacisay Inay Dekad Siinayso Itoobiya Si Loo yareeyo Khilafka Bada

Ismaciil

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo waraysi gaara siiyey BBC-Focus on Africa ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan labada dal isagoo sidoo kale soo hadal qaaday dhex-dhexaadintii ay Jabuuti isku dayday.

Wuxuu sheegay in mowqif ahaan labada waddan ay aad u kala fogaayeen.

“Wax aan u baahanahay in aan ka fikirno waddahadallo meel dhexe la iskugu imaanayo oo miiska wadahadalka la iskugu yimaado iyadoo ay gacan ka geysanayaan Jabuuti, Kenya iyo dalalka kale ee gobolka, waxa aan u maleynayaa in ay gaari karaan isku tanaasul , laakin waxaa aas aas u ah wadahadalladan madaxbanaanida dalalka waa in la ixtiraamaa” ayuu yiri Maxamuud Cali Yuusuf.

Wuxuu intaa raaciyey wasiir Maxamuud “Waan muhiim in Soomaaliya la dhegeysto hadalkeeda iyo fariinteeda, waxa aan sidoo kale ku dhawnahay in aan usoo jeedino Itoobiya taas beddelkeeda marin badeedka ay doonayaan.”

Maxay tahay dekada Jabuuti ay siinayso Itoobiya

Mar BBC-du waydiisay waxa uu yahay waxa ay Jabuuti ahaan u soo jeedinayaan itoobiya ayuu sheegay Wasiirka arrimaha dibada ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

“Waxaan siineeynaa maamulka 100% dekad iyo marin cusub oo horey loo dhisay, markaa in ay Ethiopia isticmaasho badda wax dhibaato ah uma aragno. Waxa ay noqon kartaa Dekadda Tajura taas oo 100 Km u jirta xadka Itoobiya, taas oo horey aan ugu soo jeedinay, waxa uu Madaxweyne Geelle sidaasi u sameeyay in Itoobiya iyo Soomaliya ay xal gaaraan oo ay joojiyaan xiisadda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.