Soomaalida Maxaa La Gudboon!!!

calan

Xaaladu caadi ma’aha waxaan ku suganahay wax aan dhimasho iyo nolol midna ahayn, dadka akhaaqiro iyo kan adduunyada midna qaabkooda u shaqayn mayno.

Dadkii aakhiro wixii ay adduunka ku soo tacbadeen bay dugsanayaan Alle Baana u xafiday samaan iyo xumaan laakiin Soomaalida waxay soo Tabacday fac ka fac inay ilaashadaan ma rabaan.


Ummadda adduunyada ku nool waxay ilaashadaan wixii Alle siiyey iyo waxay tabceen bay ilaashadaan oo facba fac dhaxal u reebaa (WAXAAN DHIMIYO NOOLOOW AHAYN LAGU DHANAAN WAA).


1-Ma islahaydeen nin Soomaali ah baa saxiixaaya qayb dalka Soomaaliya ka mid ah in Xabashiyi qaadato oo loogu daro dhulk Soomaali Galbeed oo bartilmaameed keenu ahaa in aan xoreyno oo naf iyo maal badana nooga maqan yihiin?.


2- Ma is lahaydeen dad Soomaaliyeed oo Jamhuuriyadii xorta ahayd ka mid ah baa tabeelayaal iyo calanka Itoobiya inta qaata ku banaanbaxaya Itoobiya baan rabbanaa?.


3-Ma is lahaydeen xildhibaanadeena baa taageeraaya in dhulka Soomaaliya Itoobiya loo hibeeyo oo Soomaali Galbeed loogu daro.


4-Ma is lahaydeen intaas inta dhacday baa dareenka Soomaalida sidaas ahaanayaa?.


Ma garanaayo waxaan ku sheego Arintaan in shaqsi Soomaaliya u bareero qiyaano qaran oo intaas le’eg, haddana raba in uu bulshada ku dhexnoolaado, waa kaaf iyo kala dheeri.

Waxaa nala gudboon arimahaan;-


1-Kacdoon dadweyne oo aan ku muijino in aan weli nool nahay oo Soomaaliyi Soomaali tahay.


2-dawladu waa in ay qaadaa tilaabo ku gaboon oo ah waxa uu mudan yahay qaa,inuwadan, qof kasta oo arintaan ka qaybqaatayna uu abaalmarintiisa helaa, xasaanad kasta oo uu leeyahay ma daafici karto Xataa haddii yahay madaxda dalka ugu sareysa.


Taladaan waxaan u soo jeedinayaa ummadda Soomaaliyeed min Lowyacado ilaa Raskambooni.

Ood iyo Amxaaro ninkii u dhawaadey qabsadaan.

Wabillaahi towfiiq
Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.