Warbaahinka Dowlada oo Labo Sano Ku dishay Shabaab Gaaraya 5000

telefishi

Laga Soo bilaabo Maalintii La Doortay Madaxwayne Xasan ilaa iyo maanta oo Taariiqdu tahay 4 Sebtember 2024 warbaahinta Dowlada Soomaaliya waxay dishay shabaab ka badan 5000.

Qoraalkaan hoose ayaa warbaahinta dowlada kasoo baxay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta War-Saxaafadeed ka soo saartay howlgallo lagu laayay Malleeshiyaad Khawaarij ah oo ka dhacay Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu yiri In ka badan 19 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe.

Howlgalka koowaad oo socday muddo ka badan 24-saac ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta degmada Ruunirgood, halkaas oo ay isku diyaarinayeen Khawaarijta,  goobtaas ayaa lagu dilay ilaa iyo 14 ka tirsan Khawaarijta.

Howlgalka labaad ayaa lagu beegsaday goob Isbaaro u ahayd cadowga oo ay doonayeen inay ku baadaan dadka safarka ah, kuna taalla deegaanka Ceel Heelle, waxaana goobtaasi lagu dilay shan xubnood oo Khawaarij ah.

Sidoo kale fariisinka Ceel Heelle waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo cadowgu kala soo baxsadeen halka uu ka dhacay howlgalka koowaad, kuwaasi oo ay ku jiraan gaari nooca loo yaqaano Cabdi-Bilaha iyo gaari booyad ah.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibbaarey howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dowladda ay ka go’antahay ciribtirka cadowga Khawaarijta ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.