Daawo:Laftagareen oo taageeray Xildhibaanadii lagu eedeeyay Itoobiya

laftagareen

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Safar Shaqo ugu Maqnaa Dalka Dibaddisa ayaa si diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Laftagareen oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee gobolka iyo tan Itoobiya Gaar ahaan wuxuu taageero buuxda u muujiyay xildhibaannada laga soo doortay Koonfur Galbeed, kuwaas oo dhawaan ka hor yimid heshiiska Masar iyo Soomaaliya, isaga oo ku adkeystay in aysan aqbali karin in dalkooda lagu lug yeelo dagaallo aysan sabab u ahayn.

“Midnimada iyo dawladnimada federaalka Soomaaliyeed, waxay ka bilaabataa Koonfur Galbeed, kuna dhammaan doontaa halkaas. Haddii midnimada la diido, cid iyo qabiil qabiil u haysta midnimada ma jiro,” ayuu yiri Laftagareen, isaga oo si gaar ah uga hadlayay muhiimadda ay leedahay wadajirku. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in xildhibaannada Koonfur Galbeed aysan qabiil ku matalin xasaanaddooda, balse ay yihiin wakiillo ay shacabka deegaannadaasi soo doorteen si ay dantooda u difaacaan.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in cid gaar ah oo sheegan karta shahaado wadaniyad aysan jirin. Wuxuu hoosta ka xariiqay in xildhibaanada deegaanadaasi matala ay yihiin codka shacabka oo aysan cid kale matalin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.