Dhaqanka Koofurgalbeed oo Xamse u sheegay Faragalinta in laga daayo Koonfurgalbeed

Laftagareenxamse

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay doorka ay dhaqanku ka qaateen dowlad-dhisidda Soomaaliya, faragalinta dowlada ku hayso Koonfurgalbeed iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda iyo bulshada.

Kulanka oo uu ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa diiradda lagu saaray sidii ay odayaasha dhaqanka gacan uga geysan lahaayeen nabaddeynta, dib-u-heshiisiinta, iyo xallinta khilaafaadka bulshada, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Mudane Xamsa oo ka gaarabay tabshada koonfurgalbeed ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka looga fadhiyo kaalintooda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo gobanimda ummadda Soomaaliyeed, meelna looga soo wadajeesto wax walba oo dhaawacaya wadajirka bulshada.

Raiisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay odayaasha doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen taageeridda dowlad-dhisidda iyo taabbagelinta hannaanka federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo xusay in odayaasha dhaqanku ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu dhisayo dowladnimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.