Shirweynaha Dalxiiska oo Muqdisho ka Furmay Iyadoo dalka uusan ka Jirin Amni

wasiir

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya iyadoo dalka uusan ka jirin amni laysku halayn karo.

Bandhigaan waxaa. Soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kole Bandhiggaan waxaa ka qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, wakiillo ka socda Midowga Afrika, turkiga iyo martisharaf kale.

Sanad kasta maanta oo kole ayaa loo asteeyay Maalinta Dalxiiska Soomaaliyeed waxaana lagu soo bandhigaa goobaha ku wacan dalxiiska dalkeenna iyo fursadaha Maagashi si loo hormariyo dalxiiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.