Diyaaradihii imaan Jiray Boosaaso ma dowlada baa joojisay mise PSF

diyaarad

Diyaaradaha Daalo Airlines iyo Ethiopian Airlines ayaa maanta ka baaqday safarkii ay ku iman lahaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso. Mas’uuliyiinta Puntland ayaa tallaabadan ku macneeyey inay tahay qayb ka mid ah faragelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo diyaaradaha ku wargelisay inaysan ka degi karin Boosaaso.

Hore ayaa digniin uga soo baxday hay’adda PSF oo ka tirsan laamaha ammaanka Puntland, taas oo diyaaradaha iyo dadka ku dhow garoonka u dirtay farriin digniin ah, iyagoo sheegay in loo diiday isticmaalka garoonka.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka oo ku saabsan hakadka ku yimid diyaaradihii imaan jiray Boosaaso..

Ilaa iyo hada lama sheegin cida uu u xiran yahay garoonka Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.