Miyaa La Gaaray Riyadii Itoobiya Ee Ahayd Soomaaliya Waa qayb kamida Itoobiya?!!

itoobiya

Waxaa laga yaabaa in qofka Soomaaligaa uu la yaabaa su’aasha sare ee aan Bulshada Soomaaliyeed u soo jeediyey, haddana layaab ma leh haddii aad maskax furan oo Soomaalinimada u danqaneysa kugu jirto.

Bal aan cajalada dib u Cellino oo is weydiino su,aalahaan:-


1-Bal dib u xasusta waqtigii na loo abaabuley jabhadaha qabiileeysan,miyeysan ahayn halkii lagu abaabuley Itoobiya?.


2-yaa bixinaayey Karashkii ku baxay?


3-Maxaa diiday in madaxdii jabhada beeleedyadii hogaan ku sheega ahaa isu yimadaan oo dalka Badbaadiyaan?


4-Taas bedelkeedii Miyeysan samayn in ay kala fogeeyaan beelahii Soomaaliyeed oo is nacsiiyeen?
5-Miyaan lagu qancin Isma aamini kartaan ee qaata federaal qabiileyaan?


6-Miyaan loo samayn tastuur aan madax iyo. Mijo lahayn oo kala bixiwaa ah?.


7-federaalkii iyo tastuurkii xawilaada ahaa sow shacbigii Soomaaliyeed ma sii kala fogayn?.


8-Nacaybku sow ma gaarin in qabiilada Soomaaliyeed qaar sheegtaan Oromo iyo Amxaaro?.


9-Ma ilowdeen in Itoobiya ay gaartay in ay Soomaaliya oo dhan maamushay oo ay noo samaysay dhammaan Maamulada jira?.


10-Ma ogtihiin in marka magalada Muqdishow laga reebo in Dalka Soomaaliya gacanta Itoobiya ku jiro?.


11-Ma ogtihiin in qorshahaan ayyan Itoobiya keli ku. ahayn ee quwada waaweyn hawshaan wadaan?.

Maxaa talaa?


Waxaan ku talinayaa wax laga sugaayo kuwa madaxweynayaaaha sheeganaaya ma jirto talada waxaa la rabaa in ay ka timaado shacbiga, haddii ay damiir leeyihiin kuwa la baxay madasha qaranka Meesha aan maanta joogno ma anaan gaarneen waa tii la yiri (Gacmaha badan maraqa bay fasahaadiyaan) (AMA dooni laba iyo toban naaquuda leh waa jabtaa).

Culumadu waa hurudaa ee ha toosto, dhalinyarada iyo haweenku fadhiga ha kakaceen , aqoonyahanka dalka iyo dadka gabayoow toos oo indhaha fur.

Waa in aan isku dayno in aan dareenka shacbiga kicino oo kala dooransiinaa midnimo iyo dal la’aan aan tusno in aan Itoobiya bohol ugu jirno oo kaliya aan uga bixi karno kacdoon difaac qaran waa in aan golayaal ku sheega ku qasabnaa federaal maya, dawlada Maya iyo madaxweynayaal Maya.

Ugu danbayn haddii shacbiga goboladu ayyan kicin oo dalka ka badbaadin kala qaybsanaanta oo aanaan garansiin in calamada beenta ah ee Gabre noo sameeyey gubaan Soomaaliya waa ku deysay ee aan tartiib Itoobiya isku dhiibno.


Wa bilaahi towfiiq.

Waxaa Qoray Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.