Sawiro:Xasan Sheekh oo Qaabilay Wasiirkii Hore Arimaha dibada Itoobiya

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirkii hore ee arimaha dibada Itoobiya ahma Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Soomaaliya iyo IGAD, xasilloonida Gobolka iyo isbedalka Cimillada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xoghayaha la wadaagay guulaha Soomaaliya ka xaqiijisay dhimacyada amniga, dagaalka Argagixisada, dhaqaalaha iyo dowlad-wanaagga, waxa uuna adkeeyay muhiimada ay Gobolka u leedahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka, si loo gaaro qorsheyyaasha horumarineed ee heer gobol.

Dhankiisa, Xoghaya guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa soo bandhigay Istaraatiijiyadda guud ee IGAD ee gobolka, gaar ahaan ilaalinta nabad-galyada iyo horumarka Gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.