Sawiro:Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabbilay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

aqalka sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya mudane Yu Wang.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa kawada hadlay xiriirka soo-jireenka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Shiinaha iyo sidii loo sii adkayn lahaa xiriirkaas ka wada dhexeeya labada dowladood.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa adkeeyay in Dowladda Shiinaha ay marwalba garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dhinac walba, isla markaana uu ka shaqeynayo xiriir wada shaqayn dhow oo dhexmara Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacbiga Qaran ee Shiinaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.