Waare Itoobiya iyo Masar Midna Walal Manahin Somaaliyana Badbaado ayey u baahan Tahay

waare

Madaxweynihii hore ee HirShabelle, haddana ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Masar .

Waare ayaa si aan gambasho lahayn uga hadlay loolanka Itoobiya iyo Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Masar aanay wax dan ah u ahaynin Soomaaliya, waxaana uu si weyn uga horyimid in xilligan Masar lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, isaga oo su’aal ka keenay halkii ay jirtay 30-kii sano ee ay burburka la daala dhaceysay Soomaaliya.

Itoobiya iyo Masar nin annaga qaraabo nala ah ma jiro 30 sano ayaan halkan joognay nooma imaan maxay hadda soo dooneen?; ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa kale oo uu Waare shaaca ka qaaday in arrintu haddii ay sidaan kusii socoto la waayi doono magaca Soomaali, isaga oo ka digay halis uu sheegay in dalka uu kusii socod.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.