Yaa Xiray Garoomada Caabudwaaq iyo Balanbal!!!

diyaarad

Waxaan meediyaha ka daawanayney Beel ka mid ah beelaha dega Galmudug ahna kuwa laga tira badan yahay oo marar badan ku hanjabaysa in aan laga degi karin Caabudwaaq iyo Balanbale diyaaradii isku daydana ay soo ridi doonaan (Kor waayeel waa wada indho).

Bal aan is weydiino ma suuroowdaa Tuulada Xiraale oo kaliya Beesha Sure ee degan in ay xiraan garoomada Galmudug ama qayb ka mid ah? Maxaa kalifay in wasaarada Gaadiidaka Cirka iyo Dhulku diyaaradihii labadaas magaalo u duulilahaa rakaabkii laga dejiyo oo diyaaradihii u duuli lahaa labadaas magaalo wasaaradu ku Amarto ma aadi kartaa Haddii koox jidgooye dhigato meel dawladi ka jirto yaa laga rabaa in ay tilaabo ka qaado?.

Dhibaatada intaas le’eg weli DFS iyo Dawlada Galmudug ma ka hadleen? Su’aalaha sare jawaabtooda waxaa laga sugayaa Soomalida samaha jecel.


Anigase rayigayga haddaan ka dhiibto adduun iyo aakhiro waxaa masuuliyadaas leh oo Alle iyo aadanaha wax garanayaa kula xisaabtami doonaan mas’uiinta DFS sida madaxweynaha, rasulwasaaraha iyo golayaasha shacabka, waxaa kale oo aan ka baxsaneyn in Alle wax ka weydiiyo inta xumaha garan karta sida culumada, aqoonyahanka iyo waxgaradka ummadda Soomaaliyeed.


Wabilaahi towfiiq
Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.