Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray shirka Bangiyada dalka

wasiir

Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada dalka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka sanadkan oo lagu falanqeeyay mowduuca muhiimka ah ee “Furida Sohdimaha Curdunka ah ee Maaliyadda Soomaaliya,” ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay cilmi-baarisyo muhiim ah oo ku saabsan horumarka bangiyada dalka, fursadaha kobcinta dhaqaalaha, iyo caqabadaha horyaalla nidaamka maaliyadeed.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa khudbadiisa ku bogaadiyay bangiyada dalka, isagoo ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaareen adeegyadooda shaqo iyo fursadaha ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, taas oo ka dhalatay wada shaqeyn dhow oo dhex martay dowladda iyo ganacsatada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.