Sawiro:Wasiirka Amniga XFS oo la kulmay Safiir ku xigeenka Findland ee Soomaaliya

Fartaag

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kala hadlay dowladda Finland xoojinta taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo socdaalka.

Wasiirka oo kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Ku-xigeenka Danjiraha Finland u fadhiya Soomaaliya Marwo Nelli Mikkola, ayaa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan Soomaaliya, si looga guuleysto kooxaha Khawaarijta ah oo dhibaato ku ah amniga gobolka iyo midka caalamkaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.