Sawiro:Gudoomiye Aadan Madoobe oo kormeeray shirarka qaar ka mid ah guddiyada golaha

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeer ku tagay xafiisyada qaar ka mid ah guddiyadda Golaha Shacabka oo xiliga Guddoomiyaha uu kormeerayay ku guda jiray howlmaalmeedkooda shaqo.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomiyay shirarka guddiyadda ku bogaadiyay shaqooyinka ay Qaranka u hayaan, isaga oo kula dardaarmay in ay dardargeliyaan ka shaqeynta shuruucda hortaala maadaamaa uu dhowaan xirmayo kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddiyadda uu maanta kormeeray waxaa ka mid ah Guddiga Arrimaha Gudaha, Amniga, Federaalka iyo Maamuladda ee Golaha Shacabka, Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo la Xisaabtanka Hay’addaha Dowladda ee Baarlamaanka labadiisa Aqal waxaana dhamaan guddiyada uu kormeeray uu kula dardaarmay gudashada waajibaadka ka saaran ka shaqeynta shuruucda hortaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.