Sawiro:Xasan Sheekh oo dhagax dhigay xaafad casri ah oo Shirkadiisu Dhisayso 

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayso Shirkad uu Xadsn Sheekh Sameystay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yeelayo dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxwsynaha Soomaaliya ayaa horay u sameystay shirkado kala duwsn oo canshuur qaada kuwaas oo aan ku dhicin bankiga dowlada.

Soomaaliya ayaa ka mida dalalka aduunka ugu Musuq maasuqa badan.

Marka la eego Tusaha Aragtida Musuqmaasuqa ee Transparency International ee 2023, Soomaaliya waxay heshay 11 marka la eego 0 ("aad u musuqmaasuq") ilaa 100 ("aad u nadiif ah"). Marka lagu qiimeeyay dhibcaha, Soomaaliya ayaa kaalinta ugu dambeysa ka gashay 180-ka waddan ee qiimeynta lagu sameeyay, iyadoo waddanku uu kaalinta koowaad galay loo arko in uu yahay midka ugu daacadsan waaxda dawliga ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.