Soomaaliya oo maanta Dowladda Turkiga kala wareegtay markab sida shixnad gargaar ah

turkey

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeeray, goobjoogna ka ahaa shixnad 3,000 oo tan oo gargaar ah oo dawladda Turkigu ugu deeqday dadka Soomaaliyeed, taas oo uu Guddoomiyaha Hey’adda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (SODMA), Maxamuud Macallin, kala wareegay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Alper Aktaş.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa dawladda Tukiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.