Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan Guddoonka Golaha Wakiillada ayaa furay kalfadhiga 11-aad ee Golaha.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ku ammaanay golaha sida wanaagsan ee ay ugu adeegayaan dadka reer Galmudug, isagoo ku bogaadiyay dhammaan shaqooyinkii kalfadhiyadii hore iyo anxisintii sharciyada muhiimka u ah Dowlad dhiska.
Madaxweynaha ayaa si guud golaha uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka isagoo is dul taagay qodobbo dhawr ah oo ay ugu weyneed, Amniga, Dhismaha Kaabayaasha, heshiiskii Madasha iyo Arrimaha Doorashooyinka iyo Miisaaniyadda Galmudug.
Leave a Reply