ATMIS oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay muranka Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

amisom

Shalay ayaa qayb ka mid ah mucaaradka Jubbaland ay ku dhawaaqeen inay madaxweyne doorteen.

Doorashadaas ayaa sababtay iska hor imaad dhexmaray ilaalada mid ka mid ah musharrixiinta Kismaayo iyo ciidamada booliska ee Jubbaland, waxaana ku dhintay hal ruux oo ilaalo u ahaa musharraxa.

War qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ka hawlgala ayaa waxa ay sheegeen in ay ka war heleen eedo loo jeediyay, kuwaas oo ku aadan ku lug lahaashahooda muran xooggan oo salka kui haya doorashooyinka Jubbaland oo ka taagan magaalada Kismaayo.

ATMIS ayaa warkeeda ku tiri: “ATMIS waxay hoosta ka xariiqeysaa dhexdhexaadnimadeeda iyo eex la’aanteeda ku aadan nidaamyada doorashooyinka Soomaaliya oo uu ka mid yahay kan lagu muran san yahay ee ka socda Jubbaland,”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.