Ummadda Soomaaliyeed gaar Ahaan ciidamada qalabka sida ha ku quusteen tilaabada Xassan Shiikh Maxamuud uu maanta qaaday ee xeradii Generaal Gordan (Maxamed Ibraahin uu magaciisa ka tiray oo uu ku bedeley Sarkaal Imaaraad ah oo wuxuu dalka Soomaaliyeed u qabtay anaan garan karin.
haddii shacbiga Soomaaliyeed ka falcelin waayaan oo ciidamadu nooc kasta ha ahaadeene ayyan jawaab waafiya ka bixin waayaan beri waxaa ku xigi doona Xalane iyo Generaal dhega badan.
Waxaan la yaabanahay waxa lagu sheego Golayaasha qaranka ama barlamaan ku sheega iyo xukuumada Xamse waxa ay ka samaysanyihiin,waxaan horay ula yaabanayn gacantaag iyo waa ansax qaranka lagu lugoynaayo, aniga yaa isdaalinayee inan ku quustay ahayd maalintii sharci aan la horkeenin oo waxa ku qoran ilaa haadda aan la aqoon oo la yiri dawlad baa heshiish amni lala soo galay ee gacanta taaga ay iska taageen.
Ugu danbayn ma sidaas baan ku aamusnaa oo xaajada u daynaa (REER BA.AYOOW YAA KU LEH), aan ku soo gunaanado shacbiga Soomaaliyeed ha ka falceliyo arintaan, ciidamadu caro ha muujiyeen, golayaasha indhaha ha fureen oo ha na tuseen in ay wakiil naga yihiin, weliba waxaan soo jeedinayaa in Beel walba inta xildhibaan oo arintaan ka aamusta diwaan geliso si ayyan xildanbe noogu soo doonan, Dal dadkiisaa difaacda ma aha madaxda madax aan shacbiga ka cabsan dal iyo sharci midna ma dhawraan.
Ciidamada waxaan leeyahay (Ri WALBA SHILALkA AY ISDHIGTO BAA LAGU QALAA) Wixii saraakiil iyo ciidamada la shirqoolay tan iyo markii Xassan Shiikj Maxamuud xilka qabtay dib u eega ,kuwa hadda la geeyey Raaskambooni waa shirqool cad waxay u dhexeeyaan saaddex cadaw waa Alshabaab,Axmed Madoode iyo Keenya.Maxaa la gudboon? Aniga waxay ila tahay in ay jubalaaandhi isu Dhiibaan.Isku soo wada duub culumadu yey tan ka aamusin,dhalinyarooy hadal aqoonyahanoow ha aamusin.
Wabilaahi towfiiq Dhiblaawe
Leave a Reply