Daawo:Jubbaland oo Shaacisay inay Lawareegtay Raaskambooni

dagaal

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay Si buuxda ula wareegeen deegaanka Raaskambooni kaas oo dowlada horay uga qabsatay.

Wakaan hoose ayey jubbaland kasoo saartay xaalada Deeganka Raaskambooni

“Ciidamada Dowlada Jubaland ayaa si buuxda oola wareegay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada hoose kadib weerar ay Saldhiga deegaanka Oodow kasoo qaadeen Maleyshiyaadka uu shaarka Dowlada usoo xiray eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud dagaalkaas ayaa lagu jabiyay maleyshiyaadka waxaana loogu galay saldhigooda oogu weyntaa oo ahaa garoonka diyaaradaha Raaskambooni iyo magaaladaba.

42 kamid ah Maleyshiyaadka uu eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud diyaarada ku keenay deegaanada nabada ahaa ee Jubaland ayaa lagu qabtay dagaalka waana Maxaabiis ciidan Tiro boqolaal ka badanna wey is dhiibeen.

Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada jubaland ayaa sheegay howlgalkaan in uu yahay amni xaqiijin ku aadan in shacabka Raaskambooni laga dulqaado maleeshiyaadka dhaca iyo boobka ugeysaneysay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.