Jubbaland iyo Itoobiya Oo Kulan Ku dhexmaray Addis Ababa

Sayid

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya ayaa kulan la qaatay Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia Field Marshal Birhanu Jula,

kulanka ayaana looga hadlay xaaladda Amniga, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka kooxaha Khawaarijta ee kusugan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Dowladda Jubaland iyo isu socodka bulshada Kunool xuduudaha iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada labada Dal.

Kulankaan waxaa Madaxweyne ku xigeenka koowaad Ku wehliyay Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlad Jubaland, Mudane Axmed Baraaki (Zubeyr) iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Jubaland Mudane Mascuud Cabdulaahi Axmed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.