Maamulka Axmed Madoobe oo Ka Hadlay Xayiraada Diyaaradaha ee Lagu Soo Rogay

Axmedmadoobe

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray Xayiraada Diyaaradaha Ee Dowlada Federaalka ah ku soo rogtay.

Warka Jubbaland ee Xayiraada Diyaarada ayaa Sidaan u qornaa.

Garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo ayaa saaka mar qura ku waabariistay in hakad la geliyey dhammaan duulimaadyadii imaan jiray.

Amarkaan oo ka soo baxay eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud oo u muuqdo inuu jawaab u yahay diyaarad shacabka qaado oo maalinkii shalay ahayd toos oga kacday Kismaayo kana degtay garoonka Doolow, ayaa waxaa ka dhashay tacadi aad u fara badan oo ay la kulmayaan rakaabka.

Sawiradani waa qaar kamid ah shacabkii safrayey oo qaarkood howlo caafimaad, tacsi iyo waxbarasho ugu socday Miqdisho.

Sanadkii 2019 ayaa sidaan oo kale dawladii xiligaas jirtay ay xirtay garoonka Kismaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.