Wafdi ka socda dowlada Itoobiya ayaa jooga Soomaaliya taas oo ah astaantii ugu danbeysay xiriirka soo wanaagsanaanayo ee u dhexeeya labada dal kaddib markii Turkiga uu dhexdhexaadiyay.
Sanadkii la soo dhafay oo dhan, xiisada ayaa meel sare gaartay kaddib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday qorshooyin ay ku aqoonsaneyso Jamhuuriyada Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.
Toddobaadyo ka hor wasaaradda difaaca Itoobiya uma qorsheysneyn in wadahadalo ay Muqdisho ku yeelato. Xiriirka labada dal ayaa aad u xumaa iyadoo laga cabsi qabay in khilaaf weyn uu gobolka ka qarxo.
Wasiir arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay wafdiga ayaa sheegay in hadii aan Itoobiya lala fiirsan guusha la gaaray aan la gaareen.
“Dulqaadka Soomaaliya ayaa lagu xaliyay iyo xikamad Soomaaliya, dadka shaatigooda lagu qabsaday aniga ayaan aheyn, xigmad baa looga gudbay”
Su’aasha ugu weyn hadda waa hadii Itoobiya loo ogolaanayo in kumanyaal askarteeda ka tirsan sii joogayaan Soomaaliya si ay Alshabaab ula dagaallamaan.
Leave a Reply