Sawiro:Madaxdii Dowlada oo Waxay Qabtaan Waayey Ayaa ka qayb Xaflad Diyaarad Loo dhigay

Qatardiyaarad

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), oo waheliyaan wasiiro, wasiir kuxigeen iyo wasiir dowlayaal ayaa Sheegay in duullimaadyada casriga ah ee dalka ku xiraya dunida inteeda kale ay kaalin weyn ka qaadanayaan isu socodka, horumarka dalka iyo maalgashiga caalamiga ah.

Mudane Cabdisalaan oo daah-furay xarun cusub oo shirkadda duullimaadyada ee Qatar Airways ay ka hirgelisay Soomaaliya, ayaa xusay in shirkadda duullimaadyada ee dowladda Qatar ay dedaal badan galisay sidii ay xarummo ugu yeellan lahayd dalkeenna, wuxuunna ku tilmaamay in ay fursad u tahay shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Qatar iyo Soomaaliya uu suurta-galiyey in ay dalkeenna ka hirgaliso mashaariic badan oo ay kamid-yihiin kaabayaasha dhaqaalaha, dhismaha waddooyinka isku xira qeybo kamid ah gobollada dalka, xarumo caafimaad iyo maalgashiyo kala duwan oo ay kamid-yihiin duullimaadyada casriga ah, Isaga oo bogaadiyey taageerada Walaalaha Qatar ay la garab taagan-yihiin dadka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.