![shiiqshariif shariif](https://i0.wp.com/www.gedotimes.com/wp-content/uploads/2020/03/shiiqshariif.jpg?resize=678%2C381&ssl=1)
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa bogaadiyey guulaha Ciidamada Puntland ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Kooxda Daacish.
Shariif ayaa yiri”Waxaan boggaadinayaa howlgalka Ciidamada daraawiishta Puntland ee ka dhan ah kooxda Daacish waana tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed isaga difaacayaan argagixisada duullaanka ah islamarkaana gumaadka ku haya dadkeenna.
Ficillada kooxaha argagixisada ah waxay ka soo horjeedaan shareecadda islaamka, hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed, xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka gobolka.
Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa geesiyaasha ku shahiiday howlgallada ciidan ee ka socda buurraleyda Calmiskaat ee gobolka Barri waxaana Dowladda Puntland iyo guud ahaan shacabka ku boorrinayaa in si dhab ah loo garab istaago howlgalka ciidamada”.
Leave a Reply