
Arintaan waayadaan aad baa looga hadlay waa xaqiiq in arinta ay tahay mid jirta, waxaana ka falceliyey dawlado badan oo carbeed iyo kuwo muslim ah, waxaa ka hadlay siyaasiyiin ,aqoonyahano iyo waayo arag kal duwan ee dunida ah waxayna ku tilmaameen waali, riyo maalmeed iyo qariskatuurnimo.
Waxaa soo if baxay dawlado badan oo dagaal isku diyaariyey haddiiba Dolan Taraam uu arintaas ku dhaqaaqo ama isku dayo. Runtii arinkaas sahal uma aha Dawlada Mareykanka marka la ergo sida caalamku uga uga jawaabay ama ugu diyaargaroobeen siba Carabata iyo dawlado awood leh oo muslim ah,waxaanse aad ula yaabay dawlada Soomaaliya oo aan arintaas wax hadala ka dhihin diidmo iyo ogolaasho toona, waxaan kale oo aad ula yaabay kuwo aqoonyahano sheeganaayey oo Soomaali ah oo arinkaas ku sheegay wax aan suuroobi karin kuna sababeeyey in Qasa ku taalo Bariga Dhexe, Soomaaliyana ku taalo Bariga Afrika oo aad u kala fog yihiin, sow wax lagu maadaysan karo una eka warkaas, miyeysan taariikhda Israeli iyo Falastiin aqoon oo sow Isra’iil lagama soo rarin yurub iyo Ameerika lamana Dejin dhulka Falastiin oo ay maanta dawlada ku tahay?
Isku soo wada duub dareenka Soomaalidu arinkaan uma dhuundaloolo, niyada, maskaxda iyo qalbiga wax ka dhintay baan u arkaa waa nala gaarsiiyey oo rag waa hore naga dhex shaqaystay baa hawsha wata, dejintii israaiil Bariga dhexe iyo Falastiin waxaa maanta ka fudud in REER Falastiin Soomaaliya la keeno oo Soomaali dhul laan la dhigo waayo Soomaali maanta ma lahan dawlad difaacada, waxaa ka jira maamulo beeleedyo ayyagu is haysta oo dagaalamaya bal eeg Buntilaandhi iyo Soomaalilaandhi labaduba waxay u ooman yihiin in loo aqoonsado dawlado ka madaxbanaan Soomaaliya, Soomaalida koofureedna waxay ku arkaan wax aan ayagaba quseyn.
Waa yaabe haddii labada maamul ee Buntilaandhi iyo midkiiba la dhex dejiyo min sadex milyan dhulkaas sow magaca Soomaalida mid aan ahayn loo bixin maayo, inta soo hartay Maxaa diidaaya in Keenya iyo Itoobiya oo bad iyo khayraad raadisa kala qaybsadaan? Reer ba’ayoow yaa ku leh? Xassan iyo madooboow warmaha tiiriya, Buntilaandhi iyo Soomaalilaandhina dagaalka ha joojiyeen, maamulada kaloow indhaha fura culumada soomaaliyeedoow aayadaha quraanka aad xambaarsantihiin runta ka sheega, aqoonyahana ku sheegoow qaata kaalintiina waad gabteene, dhalinyarada soomaaliyeedoow ka kaca fadhiga shacbiga Soomaaliyeedoow dhaxalka caruuntiina cid uma maqna ceelna uma qodna ee u midooba oo ka baajiya dhaxalwareejinta .
Wabilaahi towfiiq,Abdullaahi Jimcaale Faarax
Leave a Reply