Hanti Dhowraha Soomaaliya oo Maxkamada Baandir Looga Yeeray

Guutaale

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u yeertay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka, Axmed Ciise Guutaale, oo loo haysto dambi culus, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka, Saalax Cali Maxamuud.

Eedda loo soo jeediyay Guutaale ayaa ka timid Xeer-ilaalinta Qaranka, waxaana loo haystaa inuu ku xad-gudbay madax-bannaanida garsoorka dalka, sida ay sheegtay maxkamadda.

Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay inuu ku kacay fal-dambiyeedyo ay ka mid yihiin fulin la’aanta iyo is-hortaagga go’aan maxkamadeed, iyo inuu is-hortaag ku sameeyay bixinta kharashka socod-siinta howlaha maxkamadaha iyo diiwaangelinta heshiisyada ay maxkamaduhu galeen.

Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa lagu amray inuu maxkamadda hortago maalinta berri ah, taariikhduna ay tahay 16/02/2025, si wax looga weydiiyo eedeymaha loo haysto.

“Haddii aadan hor imaan Maxkamadda muddada ay kuu qabatay, waxay Maxkamaddu qaadi doontaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri warqadda maxkamadda gobolka.

Hanti dhowraha Qaranka ayaa maanta warbaahinta la hadlay isagoo iska difaacaya eedeymaha loo soo Jeediyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.