Xagee Soomaalidu U socotaa Xageese Ka Timid?!!! W/Q Jimcaale

calan

Waxaa ahay oday Soomaali ah oo aad u garanaya laga soo bilaabo 1960kii ilaa maanta Waxaan milicsaday mudadaas dheer ilaa maanta Qabkii iyo karaamadii qofka iyo qaranka ee dhulka lagu jiidey 1991kii iyo waxa naga dhumay oo Cadaw ka shaqeeyey gacmahayagana loo adeegsaday,qaar naga mid ah baa ku faana anagaa dawladii ridney anagaa u daadanay, kuwa sidaas leh maskaxdiisa waa ka maqan tahay in uu caafimaad bilaasha waxbarasho bilaasha iyo biyo nadiifa oo uu cabo uu iska dumiyey.

bal haddii la weydiiyo maxaad ku badalatay jawaab ma u hayaa? Aan ka gudbo waayihii wanaagsanaa ee na soo maray ileyn maah maah baa ahayd (arin dhacday ah soo ma celiso). Cawdawgii dalkaan dumiyey wuxuu adeegsaday jabhado qabiileysan oo aan waxa ajanda ah oo qabiil ka weyn aan lahayn, keliya annaga reer hebel ah bay ahayd afkaarta ay ku hubaysnaayeen.


Najiitadii ka dhalatay waxay noqotay dil, dhac,kufsi ,boob ,bililaqa iyo burbur hantiyeed oo aan Anigu ku macneeyo wixii wanaagsanaa ee aan kor ku soo sheegay kuwa dumintii ku faanaa in ay ku bedesheen,waana sida xaqiiqdu tahay.10 sano bay arintani socotay, dadka Soomaaliyeed baa iskood u baraarugay oo gartay in aan sidaan lagu sii jiri karin waxaana ka dhashay shirkii Jabuuti ee Carta, laakiin cadawgii shalay ku guuleeystay in asaga oo gacmahayaga adeegsanaya afka ciida noo daro ujeedadiisa waxay ahayd in aanaan soo kaban asaga oo xeel adeegsanaya isla qabyaaladii ah buu magaca qabiilka noogu badeley 4.5.


Markii ummadda Soomaaliyeed arkeen in ayyan shaqayneyn cadawga ummadda Soomaalidu wuxuu noo qabtay shir kale oo ujeedadu ahayd in dabkii uu shiday oo sii baqtiyaya uu xaabo saaro, waxaana naloo qabtay shir qaatay laba sano ugu denbayn waxaa naloo soo dhiibay wax loogu yeeray Federaal oo macnaha dhabta ah ahaa qabyaaladii oo mar saddexaad shaarka loo bedeley iiminka waxay nagu rafanaysaa mudo 10 sano ah waxayna taagan tahay meel nin walba gartay in ayan shaqayneyn.Tilaabada xigta ee cadawga shacbiga Soomaaliyeed noo diyaariyey oo ah halkii ugu denbeysey oo jiritaanka magaca Soomaali lagu baabinlahaa waa dagaal Laandhi Laandhi ah oo isla qabiilkii oo magacii loo bedeley.(Reer ba’ayoow yaa ku leh)?


Aniga qormadaydaan aan ku gunaanado aan isdaba qabano (Caana daatay dabadooda baa la qabtaa) bay arintu mareysaa ee aqoonyahan, culumo, odayaal iyo dhalinyaro qabiil ka madaxbanaan iyo shisheeye baa dalkaan badbaadin kara ee aan fadhiga ka kacno.
Wabilaahi Towfiiq.


W/Q Abdullahi Jimcaale Faarah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.